Magacyada 3 Arday Oo Walaalo Ah Oo Askari Toogtay Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Inta la ogyahay tiro Arday ah ayaa ku dhaawacmay Rasaas uu Askari taagtaa Bar Kaantarool oo ku taalla Magaalada Muqdisho ku riday Bas siday Arday.

Falkan Naxdinta leh oo dhacay gelinkii hore ee Maanta, ayaa waxa Geystay Askari ka mid ahaa Ciidammada Amniga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo taagtaa Bar Kaantarool oo ku taalla Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Rasaasta Askarigani ku riday Baska, ayaa waxa ku dhaawacmay Arday ay ku jiraan Saddex Arday oo Walaalo ah, kuwaasi oo baska wada saarnaa, sida ay ku warrameen Weriyeyaasha Telefiishanka HCTV ee Magaalada Muqdisho.

Saddexda Arday oo ku jiray sanadkii ugu danbeeyay ee dugsiga ayaa markii ay dhaawacmeen waxa loola cararray goob cafimaad, si xaaladdooda loola tacaalo.

Sadddexda Arday ayaa Magacyadoodu kala yihiin, Sekariye Daahir, Hodan Daahir iyo Safiya Daahir, waxayna wax ka bartaan Dugsiga Al-anwaar oo ay ka dhiganayeen qaybtiisa Dugsiga Sare.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidammada Amniga ayaan weli ka hadal falkan naxdinta leh, oo aan la garanayn waxa sababay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka