Dawladda Somaliland Oo Siidaynaysa Maxaabiis Ay Ka Hayso Puntland

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay siidaayaan Maxaabiistii dagaalkii Tuke-raq lagaga qabtay Maamul-gobolleedka Puntland.

Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyey Munaasibad Casho sharaf ahayd oo uu Xalay Martidii ka soo qayb-gashay Xusk 18-ka May ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Puntland iyo Madaxdooda waxaan ugu baaqayaa, waxaanu idiin wadnaa Nabad iyo walaaltinimo iyo inaynnu xasillooni ku wada noolaano, waxaana aannu rajaynaynaa inaanu khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxaanu doonaynaa inaanu noqono laba Dal oo isku furan oo Ganacsi leh, dhaqan leh oo Aqoon iswaydaarsada. Waxannu diyaar u nahay oo aannu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan u iclaamiyo inaanu diyaar u nahay inaanu sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq ee halkan (Somaliland) ku xidhan, iyaguna ay soo wareejiyaan wixii ay naga hayaan, waxay ila tahay inay xabsi ku sii jiraan in aanay waajib ahayn, sidaa darteed waxaanu codsanaynaa in iyaguna ay diyaariyaan waxay hayaan, Annagana Xaggayaga waa ka diyaar..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka