Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Xaalado Bani-aadamnimo Oo Ka Taagan Soomaaliya

Muqdisho (HCTV) – Qaramada Midoobay ayaa ka digtay Xaalado Bani-aadamnimo oo ka taagan Dalka Soomaaliya, taasi oo ay sababtay Abaar mar kale ku dhufatay halkaasi.

Abaarta sababtay Xaaladaha Bani-aadamnimo ee ka taagan Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay ku sheegtay inay Aabbo u tahay Roob yaraan, Roob yaraantaasi oo keentay in dalagyadii Dadku beerteen ay ba’aan, halka Xoolihiina ay baad la’aan u madhanayaan.

Laba Milyan oo Soomaali ah ayaa Qarka u saaran Macaluul, haddii aanay si deg-deg ah u helin Kaalmo, sida Qaramada midoobay sheegtay.

“Xaaladda Soomaaliya, aad bay werwerkeeda u leedahay..” ayuu yidhi, Justin Brady oo ah Madaxa Xafiiska hawlaha Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay oo u warramay Telefiishanka Aljazeera oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Magaalada Muqdisho oo ay hore u joogeen 2.5 Milyan Qof oo Abaaraha iyo Colaaduhu barakiciyeen Gobollada kale ee Soomaaliya ayaa waxa haddana ku soo biiraya Boqollaal kun oo Qoys oo Abaarta hadda jirtaa soo baro-kicisay, kuwaasi oo ay ka baaba’een adeegyada Bulsho.

Dadkan oo u baahan gargaar bani-aadamnimo oo deg-deg ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka