Masar: Weerar Lala Beegsaday Dal-xiisayaal

Qaahira (HCTV) – Bambo Jidka dhiniciisa lagu aasay ayaa la kacday Gaadhi bas ah oo siday Dad ay ku jiraan dal-xiisayaal, kaasi oo marayey meel aan ka fogayn Ahraamta Masaarida.

Sidaa waxa sheegay Masuuliyiinta Masaarida, kuwaasi oo tilmaamay in Qaraxaas ay ku dhaawacmeen Dad gaadhaya 16 Qof oo qaarkood yihiin Ajaanib Dalxiis halkaa u tagay.

Weerarkan khasaaraha geystay oo dhacay Axadda Maanta, ayaa waxa uu qayb ka yahay Weeraro joogto ah oo Kooxo Islaamiyiin ahi la beegsadaan Kiristaanka laga tirada badan yahay ee Masar iyo Dalxiisayaasha Masar uga yimaadda dalalka reer Galbeedka.

Waa weerarkii labaad ee muddo lixaad bilood gudahood ah lagu qaado Dal-xiisayaal ku sugnaa halka Arhaamtu ku yaallaan.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo Islaamiyiin ah, kuwaasi oo weerarrada kordhiyey Lixdii Bilood ee u dambeeyay, iyagoo fadhiisimo ku leh Gobolka Siinaay oo lama degaan u badan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka