Wefti Eritrean Ah Oo Socdaal Ku Tagay Sudan

Khartoum, (HCTV) – Wefti ka socda dalka Eritrea oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Cismaan Salax iyo la taliyaha Madaxweynaha Yemane Ghebreab ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha golaha Milatariga ee ku meelgaadhka ah General Abdulfetah Alburhan.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Mr Yemane G. Meskel ayaa sheegay in weftiga Eritrea ay u gudbiyeen fariin ay ka sideen Madaxweyne Isaias Afwerki oo uu ku muujinayey in dadka dalka Sudan iyo hay’adahooda dawladu ay u dhaqaaqaan dhinaca nabada, xasiloonida iyo horumarka.

Waxaana Fariinta uu weftiga Eritrea ka siday madaxweynahooda ay sidoo kale tilmaantay in Eritrea ay ku kalsoontahay awooda dadka Sudan inay raadiyaan xal ay u helaan arimahooda gaarka ah.

Madaxweynaha Golaha Milatariga ee Kumeel Gaadhka ah General Alburhan ayaa isaguna dhiniciisa soo dhaweeyey weftiga ka socda Eritrea, waxaanu warbixin kooban ka siiyey arimaha wakhti xaadirkan uu dalka Sudan Marayo.

Waxaana labada dhinac ay cadeeyeen inay diyaar u yihiin in dib loo soo celiyo xidhiidhkii ay lahaayeen Eritrea iyo Sudan kadib laba maalmood oo weftiga Eritrea ay dalkaasi Sudan ku sugnaayeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA