Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Somalia Oo Meel Mariyey Xeerka Batroolka

Muqdisho, (HCTV) –  Baarlamaanka Somalia ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey sharciga Batroolka ee dalka Somalia, kaas oo kullamadii u dambeeyay ee ay yeesheen Golaha Aqalka Hoose ee Somalia aad loogaga doodday Xeerkaasi.

Kalfadhigii ay maanta ku ansixiyeen Xildhbaanada Aqalka Hoose ee Somalia Sharciga Batroolka ayaa waxa ka soo xaadiray 154 xildhibaan, waxaana loo qaaday cod gacantaag ah Xeerkaasi.

Waxaanay 150 xildhibaan ay u codeeyeen Ansixinta sharcigaasi Batroolka, waxaa diidday 4 xildhibaan oo ka mid ah Golaha, manay jirin cid ka aamustay.

Xeerkan Batroolka ayaa waxa hore uga horyimid Maamul goboleedyada Somalia, iyagoo shirkii u dambeeyey ee Dawladda Somalia iyo maamul goboleedadu ay yeesheen uu qodobkani ahaa kuwii la isku mari waayay ee ugu dambeyn dhaliyay in shirka lagu kala kaco.

Sidoo kale, xukuumadda raysal  wasaare Khayre oo dadaal galisay sharcigan ayaa soo maray marxaladdo kala duwan oo ahaa dooddo la xidhiidhay sharcigan oo ku soo beegmay xilli horraantii bishii February lagu qabtay magaalada London kulan lagu xaraashayay sahankii shidaal ee laga sameeyay Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA