Somaliland Oo Ka Hadashay Hadal ka Soo Yeedhay Guddiga Doorashada Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa iska qoomamaysay Wada-hadalladii ay la furtay dawladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka ee Soomaaliya, Marwo Xaliimo Yaray ay sheegtay in Deegaannada ay sannadka 2020-ka doorashada ka qabanayaan ay ku jirto Somaliland, isla-markaana loo baahan yahay xubnaha doorashada uga qayb-galaya doorashadu ay Magacyadooda soo gudbiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo daba socda hadallada ka soo yeedhay Komiishanka Doorashooyinka Soomaaliya wuxuu yidhi “Gabadha Guddoomiyaha u ah Komiishanka Doorashooyinku waxay tidhi Musharraxiinta Somaliland ee doorashada Soomaaliya ka qayb-qaadanaysaa Liiskooda ha soo gudbiyaan, waa wax layaab leh in illaa halkaa la inoo soo doolaalo tago, waxaanse u malaynayaa inantu kaskeeda ayuunbay hadashay, waxaan leeyahay Somaliland iska daayoo Hir-shabeele oo Jawhar Caasimad u tahay ayaydaan Doorasho ka qaban karin, Muqdisho gudaheeda ayayna ka qaban karin, Maantana waxay tidhi Musharraxiinta Somaliland ha isa soo diwaangeliyaan, naga xishooda ayaanu leenahay..”

Wasiir Diiriye wuxuu sheegay in marmarka qaarkood ay u muuqayaan inay khalad ahayd in Somaliland ay Wada-hadallo la furto Soomaaliya, “Wada-hadalladii aanu idinla furnay ayaa marmarka qaar khalad noqonaya, idinkoo Shan ah in mid keliya nala hadasho, odhan maayo ma jiro (Wada-hadalladaasi) oo Dawladdayadii way qaadatay, hase-yeeshee qaabkaasi qaab roon muu ahayn…”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka