“Anigana Ha Ahaatee, Siyaasiga Ha Aaminina..” Wasiirka Beeraha

Laascaanood (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Shacabka gobolka Sool ku booriyey inay Nabadgalyadooda ilaashadaan, maaddaama oo ay wakhtigii hore Gobollada kale ee dalka uga hadheen Nabadgalyo darro.

Wasiirka oo khudbad u jeediyey Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood oo uu kala qayb-galay Xuska 18-ka May ayaa yidhi “Adduunku dhinicii horumarka ayuu u socdaa, inama anfacayso haddaynu nahay reer Sool iyo reer Awdal in xuska 18-ka May Maalin walba Tashuush la innagu furo oo Calan yar oo buluug la inagal dhex ordo adeer caqli gal maaha.”

Wasiirku wuxuu sheegay “Soomaaliya markay jirtay, Sool iyo Awdal halkay maanta joogaan may gaadhsiisnayn, Laamiyo maydaan lahayn, Guryaha Sool Maanta ka dhisan maydaan lahayn, halkaynu Maanta taaganahay iyo halkaynu Maalintaa taagnayn way kala fog tahay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddaad reer Sool tihiin waxa idiinka baahan yahay inaad nabadgalyadiina ilaashataan, waxa la rabaa inaad Gobollada kale gaadhaan, waxa Gobollada kale idinka rabay waa Nabadgalyo darrada, mar walba waxa la leeyahay Sool waxa ka jirta nabadgalyo darro, waa maxay sababta ay nabadgalyo-darradu u imanaysaa, maxaa khaldan, waxaan idiin leeyahay ha aaminina siyaasiga, Anigana ha ahaatee Siyaasiyiinta ha aaminina, Waayo? Siyaasigu dan gaar ah ayuu leeyahay..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka