Kursigii Guurtida Ee Uu Banneeyay Xaaji Cabdi-waraabe Oo La Buuxiyey

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Maanta dhaariyey Axmed Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) oo buuxinaya Jagadii Xildhibaannimo ee Aabbihii Allaah ha u naxariistee Xaaji Cabdi-waraabe oo dhawaan geeriyooday.

Kursigii uu ka Geeriyooday Xaaji Cabdi-waraabe ayaa waxa buuxinaya Axmed Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe)  oo uu Marxuumku dhalay, waxaana Maanta markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare dhaariyey uu sidaa kaga mid noqday Mudaneyaasha Golaha Guurtida.

Xildhibaanka buuxiyey Kursigii Aabbihii ee Guurtida ayaa lagu dhaariyey Kitaabka Qur’aanka kariimka, waxaanu ballan-qaaday inuu daacadnimo ugu adeegayo Bulshada Somaliland.

Xildhibaan Dheeg oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Nin culus oo aanan Somaliland ku xusuusnayn Qofkii kaalintiisii inoo geli kara, ayuu Axmed Xaaji Cabdi Xuseen beddelayaa, markaa waxaanu leenahay waa xil weyn ee Ilaahay hakuu fududeeyo..”  

Xaaji Cabdi-waraabe ayaa ahaa Xubinta ugu da’da weyn Mudaneyaasha Golaha Guurtida, waxaanu sida la rumaysan yahay jiray 122 Sanadood.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka