Nigel Farage oo Caano lagu Saydhay.

Hogaamiyaha xisbiga Brexit, Nigel Farage,ayaa caano lagu saydhay isagoo ku gudo jira olole socod ah oo la xidhiidha doorashada baarlamanka ee Midawga Yurub
oo uu ku dhexmarayay Magaalada Newcastle ee dalka ingiriiska.

Paul Crowther, oo ah 32 jir u dhashay magaaladaasi Newcastle, ayaa caagad caano ah ku saydhay Siyaasigani hogaamiya xisbiga Brexit ee doonaya in ingiriisku ka baxo midawga Yurub.

ciidanka ilaalada gaarka ah ee Mr.Farage,ayaa la arkayay iyagoo isku duubay oo gacmaha ka xidhay ninka falka gaystay.

Nigel Farage,oo suudhkiisa caanuhu ka muuqdaan ayaa socodkiisa sii watay waxaana uu uu ku canaantay askartii ilaalinaysay inay ka hortagi waayeen ninka caanaha ku daadiyay.

ninka falkani gaystay Paul Crowther, ayaa yidhi ” maan ogayn inuu Magaalada Joogo waxay ahayd fursadda kaliya ee aan ahaystay. waa sida saxda ahayd ee loogu banaan bixi lahaa dadka isagoo kale ah ” ayuu yidhi ninka caanaha ku daadiyay Nigel Farage, waxaana intaasi uu kusi diray in aanuu ka qoomamaynayn ficilka uu ku kacay.

 

NIGEL FARAGE MUXUU YIDHI ?

isla markii falku dhacay ee goobta laga kaxeeyay Nigel farage oo askarta la hadlayay saxaafadduna ay hareeraha ka yaacaysay ayaa lagasoo xigtay isagoo leh ” guul darro ayaa dhacday,…sheedda ayaan ka arkayay sidee ayaad u joojin kari waydeen ? “

Qoraal uu ku baahiyay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi ” waxaan ka xunahay, in mid ka mid ah dadka doonaya in UK Kusii jirto Midawga yurub uu xagjirnimo ku kacay taasi awgeed olalihii sida caadiga ah u socday waxaa uu noqday mid aan suurogal ahayn” Nigel Farage oo taageereyaashiisa la hadlaya ayaa sidaas yidhi.

waa siyaasigii u dambeeyay ee arrintan oo kale ay ku dhacdo waxaa ka horeeyay murashaxiin kale oo u tartamaya doorashada baarlamanka ee midawga yurub waxaana ka mid ahaa Carl Benjamin oo ka tirsan xisbiga Ukip iyo Tommy Robinson oo falkan oo kale lagula kacay.

 

HORN CABLE TV

Cabdishakuur dayib Maxamed

 

Nigel Farage hit by milkshake in Newcastle

Image result for Milkshake thrown at Nigel Farage

Image result for Milkshake thrown at Nigel Farage