Hargeysa: Khataraha Qarsoon Ee Caasimada

Hargeysa: Khataraha Qarsoon Ee Caasimada

Hargeysa: Diin Sababay Isku Dhaca Laba Gaadhi
Kiniisad Qadiimiya Oo Holcaysa Iyo Reer Paris Oo Banaanka Tuban
Maxaa Laga Filayaa Shirka Carabta ee ka Socda Tunisia?
RW Soomaaliya oo Kormeer ku Tagay Wasaaradda Maaliyadda DFS
RW Khayrre oo Furay Xabsi Cusub+Xuska Ciidanka Asluubta.

Hargeysa, (HCTV) – Khataraha ka iman kara dadka degan dhulka jilicsan ee jeex-jeexyada iyo dooxyada yaryar ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa mar kasta khatar ugu jira in waxyeelo ka soo gaadho roobabka ka curtay Somaliland.

Alle inaguma keenee Aduunka waxa ka jira isbadal ku yimid cimilada, taas oo dalal badan ku keentay roobaba intii hore ka badan, Fatahaado xoog leh, Dhul soo go’ay iyo dhiiqo wada socda oo saamayn xoog leh ku yeesha nolosha dadka.

Halka meelo kalena ay ka dhaceen roobab la’aan daba dheer oo sababta abaar iyo biyo iyo baad la’aan dadka iyo duunyadaba ku keena macaluul iyo abaaro farabadan.

Waxaana la ogyahay in aduunka mudooyinkii u dambeeyey meelo badan ay ka da’ayeen roobab dabaylo iyo duufaano wata, kuwaas oo bilihii u dambeeyey waxyeelo badan gaadhsiiyey dalal ku yaala Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Tanzania iyo Mozambique.

Hadaba Telefishanka HCTV, Waxa uu u kuurgalay Jeexjeexyada iyo Dooxyada Caasimada Hargeysa oo dadku ay degan yihiin oo qayb ka ah Khataraha Qarsoon ee Caasimadu ay wajihi karto, taas  oo xiliyada roobka sababi kara khasaare hantiyeed iyo mid nafeedka.

Sanadadii u dambeeyey waxa uu kor u kac ku imanayey qiimaha Guryaha magaalada Hargeysa, waxaana lagu qiyaasaaba in qoysaska qaar ay kirada guryaha ku bixiyaan kala badh dakhliga soo gala bishii, xaaladan kirada guryaha ee caasimada Hargeysa ka taagan ayaa loo sababaynayaa dhawr arimood oo ay ka mid yihiin cashuuraha kala duwan ee guryaha laga qaado oo sanad kasta korodha, taas oo sababtay in dadka kireeya guryuhuna ay iyaguna si la mid ah ay kordhiyaan kirada guryaha.

Magaalada Hargeysa meelaha qaar waxa jira baahi badan oo loo qabo guryo qiimo jaban oo qoysasku ay degaan, Waxaanay sheegayaan dadka qorshayaasha dhulka iyo guryaha ku xeeldheeri inkastoo guryeyn iyo guryo dhisid xooglihi ay jirto oo caasimada Hargeysi ay dhinac kasta u fidayso, ayaa hadana waxa jira farqi u dhexeeya Kirada Guryaha iyo koboca tirada bulshada u baahan guryo qiimo jaban oo ay ku noolaadaan.

Hase yeeshee guryaha qiimaha jaban ayaa laga heli karaa oo kaliya koonayaasha magaalada Hargeysa, balse waxa wax la iska waydiin karaa walow ay yihiin guryo qurqurux badan oo hada uun farta laga qaaday in la isku halayn karo dhul ahaan halka ay ku yaalaan.

Waxaanay taasi ay kaliftay in dadku wakhti xaadirkan aanay eeginba dhulka ay iibsanayaan iyo halka ay guryaha ka dhisanayaan inay doox iyo jeexjeex tahay toona, kuwaas oo khataro badan la kulma xiliyada ay roobabka waaweyni ay ka da’aan caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Tirada Bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa maalinba maalinta ka sii dambaysa sii kordhaya, waxaana tirada dadka kordhayaa ay keentay in loo baahdo Guryo iyo meelo ay ku noolaadaan.

Hadaba waxa xiligan roobabku ay da’ayaan loo baahan yahay in Xukuumadu ay xil iska saarto badbaadada dadka degan goobaha aan ku haboonayn inay degaan, isla markaana laga fikiro in aan dadka loo sharciyeyn meelo aan ku haboonayn in guri laga dhiso.

By. Axmed Cali Cige

HORN CABLE TV

COMMENTS

%d bloggers like this: