KENYA: Wefti Ka Socday Dawladda Soomaaliya Oo Ku Qaybsamay Madaarka Nairobi

Nairobi (HCTV) – Xidhiidhka Diblumaasiyadeed ee Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heerkii ugu xumaa ku gaadhay muddo 24 Saacadood gudahood ah, ka dib markii Dawladda Kenya ay diidday in Wasiirro iyo Xildhibaanno ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ay dalkeeda ku galaan Baasaaboorka Soomaaliya.

Dawladda Kenya ayaa la sheegay inay diidday inay Wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay La-taliyaha amniga madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse ay u diidday inay Garoonka diyaaradaha ee Jome Kenyata ee Magaalada Nairobi ay ugu fiisayso Baasaaboorka Soomaaliya, taasi oo caqabad ku noqotay Weftigii Soomaaliya ee Nairobi ku socday.

Waxa kale oo ku jiray Masuuliyiinta Fiisaha Kenya loo diiday Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo khayraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, iyo Zamzam Daahir iyo Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Saddexdan Xubnood oo sitay Baasaaboor Soomaali ayaa la sheegay inay xalay u hoydeen Madaarka diyaaradaha ee Nairobi, laakiin Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay La-taliyaha amniga madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse ayaa ka gudbeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, ka dib markii sida la sheegay ay la soo baxeen Baasaaboorro dalal shisheeye oo ay Dhalashooyinkooda haystaan, Baasaaboorradaasi oo markii dambe loo fiisiiyey.

Saddexda Masuul ee Xalay seexday Garoonka diyaaradaha ee Nairobi ayaa saaka dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo qoraal ku baahiyey Internet-ka.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan illaa hadda ka hadal Go’aanka cusub ee Dawladda Kenya qaadatay, laakiin tallaabadan ayaa sii xoojinaysa xidhiidhkii sii xumaanayey ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa ka dhexeeya khilaaf dhanka badda  ah.

 

Horn  Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka