Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Muujisay Xaladda Xorriyadda Hadalka

Hargeysa, (HCTV) – Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac wayn ka qabtaa xaladda xorriyadda hadalka ee Somaliland oo sii xumaanaysa. Waxa hada xabsi ku jira siyaasiyiin, suxufi iyo dad isticmaala baraha bulshada.

Maxamed Sidiiq Dhame oo ah gudoomiyaha garabka dhalinayrada ee xisbiga Waddani waxa laga xidhay gurigiisa 1dii May 2019. Waxa lagu xidhay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ga oo uu kaga soo horjeestay Xaalad Degdeg ah oo lagu soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag. Sida uu u sheegay warbaahinta booliiska Somaliland 2dii May, Dhame waxa lagu haystaa in qoraalkiisu ahaa kicin dadwayne iyo cay loo gaystay madaxda qaranka. Fadhi wada jir ah oo uu yeeshay Baarlamaanka Somaliland wuxuu ku diiday Xaaladda Degdega ah.

Dhame waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay rumaan garaysay 4tii May in lagu hayo xabsiga 7 maalmood si baadhitaan loo sameeyo. Markii ay dhamaatay todobadii maalmood laguma soo celin Maxkamadda. Sida uu dhigayo qodobka 47aad ee Xeerka Habka Ciqaabtu, qofka eedaysanaha ah ee xidhan waa in Maxkamadda la horkeenaa todobadii maalmood ba hal mar.

Taariikhdu markay ahayd 9 May 2019, waxa booliisku ay ka soo xidheen guriga uu degan yahay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada, lagana soo doorto gobolka Sool. Ma jirin amar maxkamadeed oo booliisku watay markii ay xidheen xildhibaanka. Xadhigiisu wuxuu la xidhiidhay hadal uu jeediyay oo uu kaga soo horjeestay dabaal degga maalinta 18 ka May oo ah maalinta ay ku dhawaaqday Somaliland inay dib ula soo noqotay madax banaanida. Booliisku wuxuu sheegay in hadalka Xildhibaan Dhakool uu yahay mid ka soo horjeeda qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Waxa xildhibaanka la horkeenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa 10 May. Maxkamaddu way diiday inu rumaan garayso iyada oo sheegtay in xasaanaddu ay u diidayso. Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu waxay diideen codsi lagu dalbay in laga qaado xildhibaanka xasaanadda, waxaayna u soo jeediyeen dawlada inay xildhibaanka xorriyadiisa u soo celiso.

Qodobka 49(1) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.”

Qodobka 79aad ee dastuurku wuxuu sidoo kale dhigayaa xubin ka tirsan Baarlamaanka aan “lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.” Maamuuska waxa Goluhu kaga xayuubin karaan xildhibaanka “saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.” “Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada,” sida ku cad qodobka 49 ee Dastuurka. Dacwadda la xidhiidha xildhibaan Dhakool way diiday Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu in laga qaado maamuuska.

Iyada oo ay jiraan go’aanada maxkamadda iyo Baarlamaanka, hadana dawladdu weli xadhig ayay ku sii haysaa xildhibaan Dhakool.

13kii May 2019, Booliiska Laascaanood waxaay xidheen Cabdiraxmaan Kayse Maxamed oo ah suxufi ka tirsan Bulsho TV. Markii la xidhayay suxufiga waxa dhaawac soo gaadhsiiyay filidh xabad askari booliis ahi dhulka ugu dhuftay. Suxufigan waxa lagu xidhay waraysiyo uu ka qaaday dad reer Laascaanood ah oo ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool.

Dadka kale ee xabsi ugu jira aragtidooda oo ay dhiibteen waxa ka mid ah Jamaal Cabdi Muxumed oo 18kii April loo xidhay qoraal uu Facebook ga soo dhigay oo dhaliilaya Booliiska, Cabdimaalik Muuse Coldoon oo loo xidhay 17kii April qoraal Facebook, iyo Cabdiraxmaan Aar oo 14kii May lagu xidhay Hargeysa dhar ka samaysan calanka Somalia oo uu xidhay.

8dii May 2019, waxa magaalada Laascaanood lagu xidhay afar nin oo loo haystay inay Facebook ga ku qoreen dhaliil ka dhan ah xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood. Waxa la sii daayay 12 May.

Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegaya “muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.”

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso dadka xidhan iyo inay ixtiraamto xorriyadda cabiraadda oo ay u dulqaadato aragtiyaha kala duwan.

Yasmin Omar Haji Mohamoud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Mobile: +252 (0)634472011