Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Somalia

Hargeysa, (HCTV) – Kaltuun Sheikh Xasan oo ka mid ah xubnaha Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somalia oo iyagu sheegay in doorashada halka qof iyo halka cod ee ka dhacaysa Somalia laga qaban doono deegaamada Somaliland.

Marwo Kaltuun Sheekh Xasan oo Shirkaasi Jaraa’id ku qabatay xarunta Komishanka doorashooyinka Somaliland ee Hargeysa ayaa waxay hadalkeeda ku bilawday “Waxaan maanta ka jawaabayaa hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somalia, hadalkaas oo runtii aan ahayn mid Somaliland munaasib ku ah, deelqaaf weyna ku ah oo ay kaga hadlaysay gabadhaasi doorashooyinka Somaliland. Waxaanu leenahay gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somalia ee hadlay, waxaan u sheegayaa Somaliland inay tahay dal madaxbanaan oo leh guddi doorasho oo madaxbanaan,” ayay tidhi Marwo Kaltuun, waxaanay intaasi ku dartay Somaliland doorashooyinkeedu waxay soo qabsoomayeen mudo hada ku dhaw labaatan sanadood oo guddidaa doorashooyinkuna ay mudadaas la soo jaanqaadayeen oo ay ahaayeen kuwa qabanaya mar kasta doorashooyinka Somaliland iyo diiwaangalintaba, waxa loo xilsaaray guddi madaxbanaan oo guddi heerqaran ah oo Somaliland ay leedahay, markaa waxaan leeyahay horta taa inaad ogaato ayaa kuu haboonayd horta gudoomiye.

Somaliland waxay leedahay xisbiyo qaran oo ay soo doorteen bulshadoodu oo ku yimid doorasho dadweyne, halka ay gabadhaasi ka leedahay waxaanu ka qaban doonaa doorashooyinka Somaliland oo waxaanu geyn doonaa sanaaduuq oo xisbiyo ay iyadu ku matalayso Somalia ayaa ka hawl gali doona, waxaan u sheegayaa Somaliland inay leedahay xisbiyo qaran oo aanay u baahnayn dal kalena aan looga soo waaridayn xisbiyo kale.” Ayay tidhi Marwo Kaltuun oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA