Soonka iyo Caafimaadka Qofka !!

Assalaamu Calaykum,

Ramadaan wacan dhamaan akhyaarta,

Waxaynu ku dhexjirnaa bishii khayrka badnayd ee ramadaanta waqtiguna sida hilaaca ayuu markastana innagu dhaafayaa,maxaa inoo faa’ido ah walaalayaal mar haddaynu soono?

Sida baadhitaano badan lagu helay waxaa soo baxday in soonku xanuuno badan ka daawo yahay,Nebigu SCW wuxuu yidhi”Sooma Waad cafimaadaysaane”,siday culimo badan shegeen waxyaalo dad badani manta la caddibanyihiin ayuu soonku daawo kayahey Nebig SCW wuxuu yidhi”Soonku waa gaashaan”.

soonku waxyaabo badan ayuu gashaan ka yahay sida Xasadka,macaasida iyo dulmiga,haddaba bal aynu eegno waxyaabaha uu daawada kayahey soonku.

Dhakhtarka reer maraykan ee la yidhaahdo Kasiis Karil wuxuu kitaabkiisa caanka ah ee layidhaahdo (Dadku waa kaa aan lakasayn) ku yidhi”Cunto badan oo lacunaa waxay daciifisay hawl wayn oo ahayd in naftu la qabsato ,sida inay waxyar quudato,sidaa darted waxaan soo jeedin lahaa in dadku soomo si uu ulaqabsado gaajada”.

Luqmaan wuxuu wiilkiisii ku yidhi”Hadday calooshu dibirto fekerkiina waa lumaa xubihiina cibaadadii ayey ka mashquulaan”

Diktoor Maak Faaduun wuxuu buugiisa uu soonka ka qoray ku yidhi”Qofkastaaba soonka wuu u baahanyahay waayo sunta cuntada kaga hadha jidhka ayaa intay ururto qofka caajis ka dhigta,culaysna wuu dareemaa laakin hadduu soomo culayskiibaa iska dhima suntiina jidhkay ka baxdaa ilaa uu dareemo qofku caafimaad dhamaystiran,wuxuuna qofku dareemaya awood badan iyo firfircooni dheeraad ah”.

Faa’idooyinka soonka waxaa ka mid ah,

  1. Nadiifinta Nafta,             

Soonku wuxuu nafta ku ababiyaa,naxariista,sabirka,akhlaaq wanaaga iyo ilaah ka cabsiga markaasuu qofku dadaalaa ilaahayna sifiican u caabudaa,

Ilaahay wuxuu yidhi”Duulkii ilaahay rumeeyow waxaa laydunku waajibiyey soonka sida loogu waajibiyey duulkii idinka horeeyey waxaad mudantihiin inaad cabsi heshaane”.

Diktoorad saamiyana waxay tidhi”Bisha ramadaan waxay qofka baraysaa inuu naftiisa xisaabiyo waxayna ku dhiirigalinaysaa inuu xoojiyo xidhiidhka isaga iyo Ilaahay ka dhexeeya,qofkana waxay dhaxalsiisa bisha ramadaan inuu dareemo raaxo iyo xasilooni dheeraad ah”.

Nebiguna SCW wuxuu yidhi”Soonku waa gaashaan,haddii midkiin soomo yaanu danbi la iman jahlina ka noqon soonka,haddiiba qof ladagaalamo ama caayo ha yidhaahdo waan soomanahay”.

Waa kalsooni halkii u danbaysay in qofku yidhaahdo “ haddaanan u soomaynayn Ilaahay falkaagaa waan ka falcelin lahaa”

  1. Isdhexgalka Bulshada,

Ramadaanta dadku waxay ka simanyihiin faqiir iyo taajirba inay ilaahay hal mar u wada soomanyihiin hal marna wada afurayaan,taasi waxay dhaxalsiisay dadka inay is dhexgalaan,waxa wada cunaan, wada cibaadaystaan,khayrka u tartamaan.muslimku bishan waxbay wada cunaan waana bisha kaliya ee masaakiinta aadka wax loo siiyo,Nebiga SCW waxaa la waydiiyey sadaqo tee ugu khayr badan? wuxuu yidhi”Sadaqada la baxsho bisha ramadaan”.

Ilaahay wuxuu yidhi”Iska kaashada wanaaga iyo cabsida,haysu kaashanina dhibka iyo cadawtinimada”.

  1. Maqaarka Jidhka,

Soonku wuxuu ka daawoyahay xanuunada ku dhaca maqaarka, sida ay sheegayaan badhitaano la sameeyey, soonku wuxuu yareeyaa biyaha dhiigga ku jira taas oo xoogaynaysa iska caabinta maqaarka,waxayna taasi ka hortegaysaa in maqaarku aqbalo xanuunada kala duwan ee ku dhaca.

  1. Wadna xanuunka,

Soonku wuxuu yareeyaa wadna xanuunka waayo soonku wuxuu yareeyaa xadiga subagga eeku Jira jidhka, taasina waxay keentaa in uu yaraado kolostoroolku.Haddii subaggu ku bato jidhka wuxuu keenaa inuu xidho xididada dhiigu maro taas oo keenta in wadna xanuun qofka haleelo. Sidaas waxaa sheegay khubaro dhakhaatiir ah oo baadhitaan dheer ka sameeyey sida uu soonku u caawiyo qofka wadna xanuunka qaba.

  1. Macaanka,

Soonku wuxuu hoos u dhigaa macaanka,sida dhakhaatiirtu sheegeen soonku wuxuu yareeyaa sonkorta jidhka ku jirta sida saxda ahna wuu ku soo celiyaa waxaana raaxo hela ganaca (Bankariyaaska),laakin haddii cuntadu ku badato xaddiga insoolka ee ay soo tuurayso ganacu (bankariyaasku) waxay sababaysaa in ganacu (Bankariyaasku) daalo shaqadiisana qaban kariwaayo,ka dibna sonkortu iskugu timaado dhiiga taas oo keenta in xanuunka macaanku soo ifbaxo , soonku wuxuu ka caawiyaa qofka in uu gubo dhamaan sonkortii jidhka ku jirtay markuu gaajoodo,sidaas waxaa lagu sheegay badhitaano la sameeyey.

Haddaba waxaa fiican in dadka ka cabanaya macaanku soonka badsadaan ramadaanta iyo waqtiyada kaleba waayo wuxuu hoos u dhigayaa macaanka.

  1. Miisaanka,

Ramadaantu waxay hoos u dhigtaa miisaanka qofka waxaanad arkaysaa dad badan oo kuleh ramadaantan waxbadan maan lumin oo miisaan ah,,laakin qofka miisaanka luminayaa maaha qodka seexda markuu soo toosona cuntada cuurta ,ka dibna balwad u fadhiista,qofka miisaanka lumiyaa ama cayilkaba waa qofka sooma bisha ramadaan,akhrista quraanka, iskana yareeya hurdada ,habeenkiina salaatu laylka tukadda.

Haddii aan intaas samayno nafteena ayaa qaabaysmaysa cayilkiina waa iska yaraanayaa idanka Alle.

 

Cabdinaasir Xasan Macallin

Zudaizi2020@gmail.com

+25263413953