Kornayl Ka Mid Ahaa Taliskii Maxamed Siyaad Barre Oo Maxkamaddi Xukuntay

USA (HCTV) – Maxkamad ku Taalla Dalka Maraykanka ayaa Xukun ku riday kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidammada Milletariga Soomaaliya ee 1980-maadkii.

Kornayl Tuke ayaa lagu helay inuu Tacadi ay toogasho ka mid tahay u geystay Dad badan uu ka mid ahaa Farxaan Warfaa oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Farxaan ayaa Maxkamadda ka sheegay in Kornayl Tuke oo Madax ka ahaa Ciidammada Milletariga ahaa ee 1989-kii fadhiisinka ku lahaa Degmada Gabiley uu jidh-dilay isla-markaana uu toogtay, balse uu toogashadaa ka bedbaaday.

Salaasadii Xeer-beegti ka tirsan maxkamadda Federaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo muddo Dacwaddani ku socotay ku heshay in uu masuul ka ahaa jidh-dilkii loo gaystay Farxaan muddo haatan laga joogo in ka badan soddon sanadood, waxayna u xukuntay 500,000 oo doolar oo mag-dhaw ah.

Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) ayaa Dacwaddan Shalay dhamaatay waxa uu Farxaan Warfaa ku soo oogay Sannadkii 2014-kii, illaa xilligaana Dacwaddan ayaa soo jiitamaysey.

Farxaan Warfaa: Soomaaliga Dacwadda ku oogay Kornayl Tukke

Baadhista Dacwaddan waxa si Madax-bannaan uga qayb-qaatay Telefiishanka CBC oo Kanada laga leeyahay iyo CNN oo Fadhigiisu Maraykanka yahay, kuwaasi oo booqday deegaanka la sheegay in Tuke dhibaatada ka geystay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka