Muqdisho: 5 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxa Al-shabaab Sheegatay

Muqdisho (HCTV) – Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gelinkii hore ee Maanta, waxaanu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jirta.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay bar kontorool oo ku dhow agagaarka taalada Daljirka Dahsoon iyo xaruntii hore ee Baarlamaan ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo xooganaa ayaa waxa ku Geeriyooday shan Ruux sida la xaqiijiyey, waxaana ku dhaawacmay Tiro kale oo Dad ah.

Dadka ku Geeriyooday Qaraxan waxa ka mid ah Haweenay ka mid ahayd Ciidammada xoogga Dalka Soomaaliya oo Magaceedu ahaa Faadumo Cali Raage.

Dadka dhaawacmay waxa ku jira Xildhibaan ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo lagu Magacaabo Nuur Shabeel, waxa kale oo dhibaato Qaraxan ka soo gaadhay Dad degan Xaruntii hore ee Wasaaradda Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ku dhow halka Qaraxu ka dhacay.

Qaraxan oo ay Masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab ayaa waxa Cambaareeyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka