Somaliland Oo Kaalinta 1-aad Ka Gashay Tartan Qur’aan Oo Jabuuti Ka Dhacay

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Qaabiley Saddex Arday oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo Dalka Jabuuti kaga qayb-galay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Dalalka Carabta iyo Afrikaanka halkaa ku dhex mara.

Saddexda Arday ayaa waxa ka mid ah Bashiir Cabdilaahi Maxamed oo kaalinta koowaad u galay 11 Arday oo ka kala socday Dalal Afrikaan iyo Carab ah iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdisalaan iyo Cabdilaahi Cabdifataax Macallin Shukri oo iyaguna kaalmo wanaagsan kasoo galay tartankan.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed Madaxtooyadu ka soo saartay Qaabilaadda Madaxweynaha ee Ardaydan aadka u da’da yar, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweyne Muuse Biixi oo Qaabilay Saddex Arday oo reer Somaliland ah oo Kaalmaha Sare Ka Galay Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo Dalka Jabuuti Lagu Qabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex Arday oo reer Somaliland ah oo kaalmaha sare ka galay tartan Qur’aanka kariimka ah oo lagu dalka Jabuuti.

Saddexdan Arday oo kala ah Bashiir Cabdilaahi Maxamed la tartamay kow iyo toban (11) Arday oo ka kala socda dalal Carab iyo Afrikan isugu jira, islamarkaana kaalinta koowaad u soo galay iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdisalaan iyo Cabdilaahi Cabdifataax Macallin Shukri oo iyaguna kaalmo wanaagsan kasoo galay tartankan, ayuu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa, waxaana uu ku bogaadiyey guusha ballaadhan ee ay soo hooyeen iyo dedaalka ay sameeyeen iyaga oo da’ ahaan aad u yaryar.

Madaxweynuhu waxa uu saddexda Arday kula dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan, xifdinta qur’aanka iyo qowlka Eebbena muhiimad gaar ah siiyaan, waxana uu ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ka markhaati ah kartida iyo dedaalka Da’yarta Qur’aanka barata ee reer Somaliland..”

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.