Nairobi: Xisbiyada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka IGAD Ee Somalia

Nairobi, (HCTV) – Weftigii xisbiyada Somaliland ee socdaalka ku joogay dalka Kenya ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Somalia iyo Badda Cas Dr Maxammed Cali Guyo oo ay kula kulmeen magaalada Nairobi.

Intii kulanka labada dhinac uu socday ayaa weftiga Somaliland Iyo Ergayga IGAD ee Somalia iyo badda cas ay ka doodeen sii xoojinta iyo balaadhinta arimaha la xidhiidha mashaariicda horumarineed, amaanka iyo wadahadalada Somaliland iyo Somalia.

Ergayga urur goboleedka IGAD u qaabilsan Somalia iyo Badda Cas Dr Mohammed Ali Guyo, ayaa waxa kulanka dhinciisa ku wehelinayey Nuur Mohamud Sheekh oo ah Madaxa isku xidhka hawlaha IGAD ee Somalia iyo Badda Cas.

Sidoo kale 21-kii May, hogaamiyeyaasha xisbiyada Siyaasada Somaliland ee Kulmiye oo uu horkacayey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Maxamed Kaahin iyo Faysal Cali waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa kulano la yeeshay safiirada iyo hawlwadeenada Midawga Yurub ee arimaha doorashooyinka ka taageera Somaliland ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Waxaanay masuuliyiinta weftiga Somaliland ay safiirada dalalka Denmark, Sweden, Germany, iyo UK ay warbixin ka siiyeen sida Somaliland ay diyaarka ugu tahay inay sii wado doorashooyin hagaagsan oo diyaarsan oo dalka ka dhaca.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA