Wasiirka Arimaha Dibada Somalia Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga

Muqdisho, (HCTV) – Wasiirka arimaha dibada ee Somalia Axmed Isse Cawad ayaa kulan xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somalia Mehmet Yilmaz.

Intii lagu gudo jiray kulankaasi Wasiir Cawad kaalinta taariikhiga ah ee turkugu ugu jiro dadka Somalia ee uu u barbar taagan yahay, kaas oo uga mahadceliyey doorka muhiimka ah.

Wasiirka arimaha dibadu waxa kale oo uu sheegay in Somalia iyo Turkigu ay wadaagaan dano guud, isl amarkaana ay leeyihiin xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo qoto dheer.

Sidoo kale Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Somalia Ambassador Mehmet Yilmaz ayaa isaguna dhiniciisa amaanay xidhiidhka ay la leeyihiin Somalia, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in la sii wado xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal.

Ambassador Mehmet Yilmaz ayaa sidoo kale sheegay in xidhiidhkan labada dal uu hoosta ka xariiqayo oo uu markhaati u yahay horumarka sanadadii u dambeeyey lagu talaabsaday.

Waxaanu safiirka dalka Turkiga ee Somalia uu tilmaamay inay dhinacooda sii wadayaan taageerada ay siiyaan dawlada Somalia iyo dadka Soomaalida ahba.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA