Milatariga Pakistan Oo Sheegay Inay Tijaabiyeen Gantaal Cusub

Islamabad, (HCTV) – Milatariga dalka Pakistan ayaa sheegay inay ku guulaysteen tijaabinta gantaal nooca ridada dheer ah ee iskaga gudba qaaradaha.

Gantaalkan ayaa sidoo kale awood u leh inuu qaado madaxyada hubka Nuclear-ka, maalin ka dib markii wasiir arimaha dibada ee dalkaasi uu dawlada India ugu baaqay inay sii wado wadahadalka nabada.

Gantaalkan oo la yidhaa Shaheen-II ayaa la sheegay in Madaxyada Nuclearka ee uu qaado uu gaadhsiin karo 1,500km, sida ay milatariga dalka Pakistan ay sheegeen.

“Ganida gantaalkan ayaa looga gol-leeyahay sugida hawlgalada Milatariga iyo diyaarinta awooda Istaraatajiyadeed ee ciidamada dalka Pakistan,” sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay milatariga dalka Pakistan.

Tijaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili ay xurguf u dhaxayso dalalka India iyo Pakistan oo wali kku sii jira xaalad kacsan kadib markii Milatarigu isku dhaceen horaantii sanadkan oo ay iska soo rideen dhawr diyaaradood.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA