Algeria Oo Noqday Dalkii 2-aad Ee Duumada Laga Cidhib-tiray Afrika

Hargeysa (HCTV) – Afrika waa Qaarad caan ku ah Xanuunka Doomada ama Kaneecada, kaasi oo ah Cudur halis-geliya nolosha, waxaana xanuunkaasi sababta Qaniinyada Kaneecada dhedig.

sannadkii 2017-kii, Afrika waxay 92% hoy u ahayd Kiisaska Xanuunka Kaneecada, 93% dhimashaduna waxa sababayey Duumada, sidaa waxa sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Addduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo WHO.

Hay’adda WHO waxay sheegtay in xilligaa cel-celis ahaan Kiisaska Xanuunnada Duumadu ay ahaayeen 219 Milyan oo kiis 87 Dal, una dhinteen Dad gaadhaya 435,000.

Laakiin, illaa hadda waxa 87 Waddan waxa Duumada laga tirtiray 38 Waddan, kuwaasi oo Hal dal ka yahay Afrikaan, sida ay Arbacadii shaacisay WHO.

Mauritius ayaa illaa 1973 ahaa dalka keliya ee Xorta ka ahaa Xanuunada kaneecada, ilaa Algeria la siiyey Shahaadada iyo damaanadda ah inay tahay dalka labaad ee laga cidhib-tiray  Duumada, sida ay WHO sheegtay.

Algeria iyo Argentina ayaa wadaagaya Shahaadada ah inay xor ka yihiin Xanuunnada Malaariya ama duumada “Way Mahadsan yihiin, Algeria iyo Argentina oo cidhib-tiray Duumadii..” ayaa lagu sheegay madaxa Hay’adda WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Dalalka ayaa la sheegay in Cidhib-tirka Xanuunka Duumada u adeegsadeen Shaqaale Caafimaad oo si wanaagsan u tababbaran iyo Qalab Caafimaad oo heer sare ah.

Algeria ayaa Xanuunada duumada lagu arkay 1880-kii sida ay sheegeen Warbaahinta Dalkaasi, laakiin 2019 ayaa la shaaciyey in laga cidhib-tiray.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka