Ergay Chinese Ah Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In La Taageero Somalia

New York, (HCTV) – Ergay Chinese ah ayaa beesha caalamka ugu baaqay in taageero farabadan la siiyo Somalia si wax looga qabto arimaha amaanka, bani’aadanimada iyo hurumarka dhaqaalaha iyo mid bulshoba.

“Somalia waa wadan muhiim ah oo ku yaala geeska Afrika. In la sii wado sidii dalkaasi ku heli lahaa nabad iyo xasiloonida waxa ay dani ugu jirtaa gobolka iyo guud ahaan beesha caalamka,” sidaasi waxa yidhi Yao Shaojun, oo ah Ergay dawlada Shiinaha u qaabilsan xafiiska isku xidhka Chiinaha iyo Qaramada Midoobay, kaas oo sidaasi ka sheegay golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaanu intaasi ku daray Ergaygu in xaalada Somalia ee wakhti xaadirkan ay baaqi ku tahay inay qasan tahay, islamarkaana ay caqabado farabadan ay kala kulmayso  furimo farabadan, ayuu yidhi Ergaygaasi dawlada Shiinaha u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Waxaanu sidoo kale Tilmaamay in Golaha Amaanka iyo Guud ahaan Jimciyada Quruumaha ka dhacaysa ay siyaan dawlada Somalia taageero iyo kaalmo fiican.

Waxaanu intaa raaaciyey Ergaygu inuu waydiisanayo in si buuxda loo xushmeeyo dawlada Federalka ee Somalia marka laga hadlayo arimaha gudaha ee Somalia.

“Waa inaynu xushmaynaa madaxbanaanida, dhuleed iyo sharafta Somalia, oo aynu taageerno oo aynu awoodooda kor u qaadno hay’adaha dawlada Federalka.” Ayuu yidhi Ergaygaasi dawlada Shiinaha ka tirsan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA