Theresa May Oo Ku Dhawaaqday Inay Is-casishay

London, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Therea May ayaa ku dhawaaqday inay iska casilayso xilak Raysal Wasaaraha dalka INgiriiska kadib markii ay caqabado xoogleh ay kala kulantay qorshayaal ay ku doonaysay in lagaga baxo Midawga Yurub.

Raysal Wasaaraha dalka Ingiriisku waxa ay maanta oo Jimce ah ku dhawaaqay inay istiqaalada xisbiga ay dhiibayso June 7. Hase yeeshee waxay sheegtay inay sii haynayso xilka Raysal Wasaaraha ilaa inta la soo dooranayo cida badalaysa, ayay intaasi ku dartay.

“Waxaan sidii ugu wanaagsanayd aan u sameeyey natiijada fulinta Aftida,” ayay tidhi xili ay taagnayd afaafka xafiiskeeda 10 Downing Street, oo ahaa hoygeeda tan iyo intii dadka Ingiriisku ay u codeeyeen inay ka baxaan Midawga Yurub.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA