Iran Oo Sheegtay In Talaabada Maraykanku Khatar Galinayso Nabadda Adduunka

Washingtion, (HCTV) – Dawlada Maraykanka ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay Bariga Dhexe kadib markii ay dawlada Tehran ku eedaysay inay ka dambaysay weeraro lagu qaaday maraakiib shidaal siday oo laga leeyahay dalalka Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Iran Maxamed Javad Sarif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladu ay wakhti xaadirkan marayso mid khatar ah.

“Waxa sii kordhaya joogista Maraykanka ee gobolkayaga taasina waa mid khatar ku ah nabada iyo xasiloonida aduunka,” ayuu u sheegay Afhayeenku wakaalada Wararka ee IRNA, maanta oo sabti ah.

Dawlada Maraykanka ayaa jimcihii shalay ku dhawaaqday inay 1,500 ciidamo ah ay u tirtay Bariga Dhexe, iyadoo arintaasina ku macnaysay dedaalada ay ugu jirto difaacida danaheeda Bariga Dhexe oo dawlada Iran ay khatar weyn ku hayso, isla markaana Ilaalada Kacaanka ee dalka Iran ay si toos ah masuul uga ahaayeen weerarkii lagu qaaday horaantii bishan maraakiibta shidaalka siday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA