“UCID Ahaan, Waxaanu ka shaqaynaynaa Sidii Farmaajo Looga Takhalusi Lahaa” Faysal C. Waraabe

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay Su’aal laga waydiiyey waxa xaleeyay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ay Magaalada Nairobi kula kulmaan Siyaasiyiin reer Soomaaliya ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADAJIR, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Guddoomiye Faysal oo ka mid ahaa Wefti ka kooban Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo Maanta Dalka ugu soo laabtay, ka dib Safar shaqo oo ay ku tageen Nairobi, ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabaya wuxuu yidhi “Cadowgaaga Cadowgii waa Saaxiibkaa, Farmaajo innaga wuxuu inoo samaystay Jabhado, laakiin Annagu si Ilbaxnimo ah waxaanu la sheekaysanaynaa Mucaaradkooda, Mucaarad baanu nahay, Mucaaradkooda ayaanu u yeedhaynaa, waxbaanu baraynaa.”

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay inay ka shaqaynaynayaan sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo “sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo ayaanu ka shaqaynaynaa haddaanu UCID nahay iyo wixii kale ee innagu xun ba.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu eedaymo u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID “Cirro oo WADDANI ah isagoo weli Farmaajo la sawiran maad aragtay ? isagu hoos buu ula kulmaa Farmaajo wax xunna dalka wuu ka sheegaa, laakiin Annagu wax wanaagsana Dalka waanu ka sheegnaa, waanuna la doodnaa. Aniga iyo Cali Khaliif waanu la kulanay Farmaajo, BBC-da ayaanu u warranay, laakiin Cirro bal 10 jeer buu la kulmay Farmaajo ilaa doorashadiiye, bal mar qudha ha sheego.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka