Priyanka Chopra Oo Ethiopia Socdaal Ku Tagtay

Addis Ababa, (HCTV) –  Actrada Caanka ka ah shirkadaha Bollywood iyo Hollywood ee ka soo jeeda dalka India, Priyanka Chopra Jonas isla markaana ah Safiir maamuuseed ka tirsan hay’adda UNICEF ayaa socdaal ku timid dalka Ethiopia si ay ula kulanto caruurta ku jira qaxoontiyada dalka Ethiopia ee ka soo barakacay dagaalada iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira Qaarada Afrika.

Intii ay ku gudo jirtay socdaalkaasi ayay Priyanka Chopra Jonas ay la kulantay caruurta iyo dayarta ku nool xerada qaxoontiga Bambasi, oo hoy u ah 17,000 oo qaxoonti ah oo badidoodu ka soo cararay Sudan iyo sidoo kale xerooyinka qaxoontiga Hitsats iyo Adi-Harush , halkaas oo ay ku sugan yihiin 55,000 qaxoonti ka yimid Eritrea oo halkaasi ku nool.

“Caruurtan guryahoodi waxa ka soo eryey dagaalo iyo dhibaatooyinka khasaare gaadhsiiyey noloshooda,” ayay tidhi Priyanka Chopra.

Dalka Ethiopia waxa uu hoy u yahay 900,000 Qaxoonti ah – waxaana lagu tilmaamaa dalka labaad ee martigaliyey qaxoontii ugu badnaa ee Afrika.

Waxaanay ka mid ah dalalka ay qaxoontigaasi ka soo carareen dalalka Somaia, South Sudan, Eritrea, Sudan iyo Yemen, waxaanay badidoodu ay ka soo talaabeen xuduudaha iyaga oo baadigoob ugu jira nabadgalyo iyo nolol wanaagsan, oo ay la kulmeen khataro dhimasho iyo kala sooc ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA