“Farmaajo, Jabhado Ayuu u Samaystay Somaliland..” Wasiirka Arr. Gudaha

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay sheegtay in Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay jabhado u samaysteen Somaliland, si loo dhibaateeyo.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka  mid ahaa Wefti Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo ka soo laabtay Dalka Kenya, ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal HCTV ku waydiiyey Madaarka Hargeysa wuxuu yidhi “Soomaaliya Jabhado hubaysan oo Rag la garanayaa ku jiraan ayuu Farmaajo u samaystay Somaliland.”

Wasiir Kaahin oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey kulan ay Magaalada Nairobi kula yeesheen Xubno uu ka mid yahay Siyaasiga reer Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in aanay dambi ahayn in Madaxda Somaliland la kulanto Mucaaradka Soomaaliya, “Cid Dawladda Farmaajo Mucaarad ku ah hadday Somaliland la kulanto dambi maaha..”ayuu yidhi, laakiin Wasiirku ma Caddaynin Jabhaddahaasi ta ay tahay.

inta la ogyahay, Somaliland waxa ka jirta Hal Jabhad oo uu hoggaamiyo Kornayl Magaciisu yahay Caarre, kaasi oo fadhiisin laga siiyey Degmada Qardho ee Gobolka Bari ee Puntland, ka dib markii isaga iyo xubno ka mid ahaa Ciidammada Qaranka Somaliland ay goosteen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka