Sudan Oo Sheegtay Inay Sucuudiga Ka Difaaci Doonto Khatarta Iran

Jiddah, (HCTV) – Jeneraal sare oo ka tirsan Golaha Milatariga Sudan ayaa wacad ku maray inuu Sucuudiga ka difaaci doono khatarta iyo weerarada uga imanaya dalka Iran, xili uu wadahadalo la lahaa dhaxal sugaha awooda leh ee boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wakaalada Wararka ee Sucuudiga ee (SPA) ayaa ku warantay in General Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah ku xigeenka golaha milatariga eek u meelgaadhka ah ee dalka Sudan Xukumaa uu magaalada Jiddah uu kula kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohammed bin Salman.

“Sudan waxay barbar taagan tahay Boqortooyada, waxaanay ka soo horjeedaa khatar iyo weearo uga yimaada Iran iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen,” ayuu yidhi General Dagalo oo lagu naanayso Hemeti, ayaa sidaasi u sheegay boqorka intii uu kulankaasi socday.

Waxaanu intaasi ku daray in Generaalkaasi reer Sudan iyo dalkiisu ay ciidamo dheeraad ah ay u soo diri doonaan dalka Yemen ay ula dagaalamaan kooxda maleeshiyada xuutiyiinta ee dalka Iran uu dabada ka riixayo.

Socdaalkan Generalka ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu dibada ugu baxo tan iyo intii milatarigu ay talada dalkaasi kala wareegeen hogaamiyihii wakhtiga dheer soo xukumayey ee Cumar Xasan Al-bashiir.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA