Muqdisho: Maxkamad Xukuntay Askari Dilay Dirawal Mooto Bajaaj

Muqdisho (HCTV) – Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kaasi oo dhawaan toogasho ku dilay Wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa kuwa Bajaajta ku shaqaysta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada oo xukunka ku dhawaaqay Maanta ayaa yidhi “Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada Qalabka sida waxay ku dhawaaqaysaa Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsan Saldhigga Booliiska ee degmada Wada-jir, kaasi oo Xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeeyay dil badheedh ah iyo dhaawac, isagoo si badheedh ah u dilay Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa Wade Mooto Bajaaj, dambigaas oo ka dhacay Degmada Hodan, Taariikhdu markay ahayd 8-dii bisha shanaad, 2019.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xukun ku dhawaaqay “Maxkamaddu markay aragtay Qiraalka eedaysanaha ee ah inuu Hal xabbo Madaxa kaga dhuftay Wadaha Bajaajta, waxay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Guure..”ayuu yidhi.

Dacwadda ayaa socotay dhowr Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Markhaatiyo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.

Dilka Marxuumka Cali Maxamuud Axmed ayaa markii uu dhacay waxa Magaalada Muqdisho ka aloosay Mudaharaaddo Rabshado wata, Mudaharaaddadaasi oo ay dhigayeen dhallinyarada ku shaqaysta Mooto Bajaajta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka