SOOL: Afar Carruur Ah Oo Miino Kaga Qaraxday Tuke-raq

Sool (HCTV) – Inta la ogyahay Afar Carruur ah ayaa ku dhaawacmay Miino kula kacday Duleedka Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool.

Weriyaha Telefiishanka HCTV ayaa soo sheegay in Miino ku aasnayd duleedka Degmada Tuke-raq ay la kacday Afar Carruur ah oo wada socday, isla-markaana ay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.

Carruurta Miinadu ku qaraxday ayaa la geeyay Cisbitaalka Manhal ee Magaalada Laascaanood, si Xaaladdooda Caafimaad loola Tacaalo.

Ciidammada Amniga iyo Maamulka Gobolka Sool weli kama hadal dhibaatada Carruurtaa soo gaadhay, mana jirto illaa hadda Cid booqatay halka Miinadu ka kacday, si baadhitaan loogu sameeyo deegaannada ku dhow halkaasi, si loo hubiyo in waxyaabo kale oo khatar sababi karaa ku qarsoon yihiin.

Degmada Tuke-raq ayaa waxa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidammada Somaliland iyo kuwa Maamul-gobolleedka Puntland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka