Nin 46 Sanadood Xabsi Si Khaldan Ugu Jiray Oo Magdhaw U Helay $1.5 million

Michigan, (HCTV) – Richard Phillips ayaa xidhnaa mudo 46 sanadood ah kadib markii loo soo xidhay dil aanu isagu geysan, waxaanu mudadaasi aadka u dheer uu ka lushay gidaarada xabsiga.

Balse markii dambe waxa cadaatay in dilkaasi uu geystay nin kale oo ka soo jeeday Michigan, waxaana la sii daayey Mr Richard Phillips bishii March ee la soo dhaafay.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Michigan, haweenayda la yidha Dana Nessel ayaa ku dhawaaqday in Phillips la siinayo magdhaw dhan $1.5 million dollar oo magdhaw ah sidii khaldanayd ee uu wakhtigaasi uga lushay shabaga xabsiga.

Balse lacagtan $1.5 million ah ayaa ah 30 sanadood oo ka mid ah mudadaasi uu xidhnaa maadaama oo sidoo kale uu jeelka ugu jiray kiis kale oo ahaa Hub uu soo xaday.

“Tani waa war weyn, gabi ahaana waa talaabo sax ah oo la sameeyey,” sidaasi waxa yidhi dacwad ooge Kym Worthy, waxaanu intaasi ku daray “inkastoo magdhawgani aanu usoo celin karayn 46-kii sanadood ee uu cadaalad darada u xidhaa balse tani waxa ay rajo galin doonaa inuu ku fushado nolol tayo leh.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA