Tirada Dhimashada Ka Dhacday Xabsi Ku Yaala Venezuela Oo Korodhay

Guyana, (HCTV) – Ugu yaraan 29 maxbuus ayaa ku dhintay xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaala dalka Venezuela oo dab xoog lihi uu ka kacay, dabkaas ayaa burburiyey inta badan dhismaha waxaana sababay rasaas ay ilaalada xabsigu fureen kadib markii ay isku dhaceen Maxaabiis.

Afar Dambiyo khatar ah oo haystay ayaa iyaga ay u suuragashay inay xabsigaasi ka fakacadaan.

Wasiirka Amaanka dadweynaha oo la yidhaa Khemraj Ramjattan ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiistu ay dabka qabadsiiyeen xabsiga si ay ugu suuragasho inay ilaalada mashquuliyaan oo ay u fakadaan, waxaanu intaasi ku daray in hal askari uu ku dhintay intii rasaastu socotay.

Waxaaba ka xaqiijiyey in mid ka mid ah raga baxsaday uu yahay Royden Williams, kaas oo lagu xukumay dil bishii February isagoo loo haystay dilka sideed askari, sida uu sheegay taliyaha bileyska Seelall Persaud.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA