India: 20 Arday Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Dugsigooda

India: 20 Arday Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Dugsigooda

Priyanka Chopra Oo Ethiopia Socdaal Ku Tagtay
Madaxweynaha Koonfurta Sudan Oo 10 Maamul Goboleed Ku Soo Koobaya Dalkiisa
Madaxweyne Farmaajo Oo Daah-Furay Wajigii 2-Aad Ee Manhajka Dugsiyada Soomaaliya
Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Shilalka Gaadiidka Oo Kordhay
Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukun Ku Riday Suxufi Cabdimaalik

Hindiya (HCTV) – Inta la ogyahay 20 dhallinyaro Arday ah ayaa ku geeriyooday Dab ka kacay iskuulkooda, Dalka Hindiya.

20-ka Arday ayaa qaarkood u Geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay markii Iskuulkooda oo Dhowr dabaq ah ay ka soo boodeen markii uu gubtay, si ay isku bedbaadiyaan.

16 ka mid ah Ardayda Geeriyootay ayaa ahaa Hablo yaryar oo isku diyaarinayey inay galaan Imtixaan, waxaanu iskuulkaasi oo ku yaallay dhisme aan Ganacsiga ku habboonayn Magaalada Surat ee Galbeedka Hindiya, sida Masuuliyiintu sheegeen.

Sawirro naxdin leh oo laga soo qaaday Goobta Masiibadu ka dhacday, ayaa muujinaya Ardayda oo ka soo hoobanaya xagga sare ee dhismaha, si ay isku bedbaadiyaan, gelinkii dambe ee Jimcihii.

Sawirrada Argagaxa leh ee muujinaya dhibaatada Ardaydaa gaadhay, ayaad aad ugu faafay Baraha Bulshada.

Qaar ka mid ah Ardayda Geeriyootay

Dadka dhintay ayaa da’doodu u dhaxaysay 15 illaa 19 Jir, xilliga dabku bilaabmayna waxa hal fasal ku wada jitay illaa 50 Arday, sida ay Masuuliyiinta deegaanka dhibaatadu ka dhacday sheegeen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: