Xisbiga Ugu Weyn Mucaaradka Zimbabwe Oo Dooranaya Guddoomiye Cusub

FILE PHOTO: Opposition Movement for Democratic Change (MDC) leader Nelson Chamisa attends a national prayer meeting in Harare, Zimbabwe, February 7, 2019, REUTERS/Philimon Bulawayo/File Photo

Zimbabwe (HCTV) – Xisbiga ugu weyn dalka Zimbabwe ee Magaciisa loo soo gaabiyo MDC ayaa si rasmi Guddoomiye cusub u dooranaya.

Xisbiga MDC ayaa door-bidaya inay Guddoomiye cusub u doortaan Nelson Chamisa oo ka mid ahaa ku-xigeenadii aasaasihii Xisbigaa Morgan Tsvangirai oo Xanuunka Kansarka u geeriyooday sannadkii 2018-kii, sidoo kalena illaa geerida Morgan Tsvangirai ku sime ahaa.

Chamisa oo da’diisu tahay 41 jir ayaa ku soo caan baxay doorashadii ka dambaysay markuu xilka ka degay Robert Mugabe, ka dib taasi oo Madaxweyne loogu doortay  Emmerson Mnangagwa.

“Waxaanu doonaynaa inaanu Guddoomiye cusub ka dhigano Nelson Chamisa..” ayuu yidhi, Afhayeenka Xisbiga MDC Jacob Mafume oo u warramay AFP, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u malaynayaa in Guddoomiye loo dooran doono Nelson Chamisa, si uu u sii ahaado Madaxweynaha Xisbiga..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka