“Iran Way Iska Difaaci Doontaa Gardaro Kasta” Wasiir Javad Zarif

Tehran, (HCTV) – Wasiirka arimaha dibada ee dalka Iran Javad Zarif ayaa sheegay in dawlada dalka Tehran ay iska difaaci doonto gardaro milatari iyo mid dhaqaale oo lagu soo qaado dalkeeda, waxaanu dalalka Yurub uu ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiskii dhinaca Nuclear-ka ee ay la galeen dalkooda.

Wasiirka Arimaha dibada dalka Iran oo shalay shir jaraa’id oo wadajir ah ay magaalada Baghdad ay ku wadaqabteen dhigiisa dalka Ciraaq Mohammed al-Hakim ayaa sheegay in dalkiisu uu doonayo inuu dhiso xidhiidh isku dheeli tiran oo ah dalalka jaarka ah ee Gacanka Carabta.

Ciraaq waxay barbar taagan tahay Iran waxaanay doonaysaa inay dhexdhexaadiso xiisada u dhaxaysa dalkan ay jaarka yihiin iyo dalka Maraykanka.

Wasiir Zafir ayaa intaasi ku daray in dalka Iran uu awood u leeyahay inuu wajaho dagaal hadii ay tahay dhinaca milatariga iyo hadii ay tahay dhinaca dhaqaalaha ahba.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Ciraaq Barham Saleh ayaa isna ku dooday in loo baahan yahay in laga hortago dagaal oo aanay xaaladu ka darin.

Socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Iran uu ku tagay dalka Ciraaq ayaa ku soo beegmaya xili dawlada Washington ay u dirtay bariga dhexe 1,500 ciidamo dheeraad ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA