Xuutiyiinta Oo Diyaarad Kale Oo Aan Duuliye Lahayn Ku Duqeeyey Madaarka Jizan Ee Sucuudiga

Jizan, (HCTV) – Dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ku bartilmaameedsaday Garoonka Jizan ee dalka Sucuudi Carabiya, sida uu ku waramay Telefishanka al-Masirah.

Hase yeeshee ilaa iyo hada ma jiraan wax cadayn degdeg ah oo ka soo baxday dawlada Sucuudi Carabiya amaba Isbahaysiga Sucuudiga-iyo Imaaraadka Carabtu hogaamiyo ee dagaalka kula jiray kooxda Xuutiyiinta tan iyo 2005-tii.

Xuutiyiinta ayaa meesha ka saaray dawladii ay Sucuudigu uu usoo dhoodhoobay dalka Yemen ee gacanta ku hayey caasimada Yemen ee Sanca sanadkii 2014-kii, waxaanay kooxda Xuutiyiintu ay hada magaalooyinka sucuuudiga ay ku wadaan weeraro gantaalo iyo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsanayaan.

Sidoo kale Maalintii khamiistii ayay ahayd markii kooxda maleeshiyada ee Xuutiyiintu ay sheegeen in ay mid ka mid ah diyaaradahooda aan duuliyaha lahayni ay bartilmaameedsatay magaalada Najran, walow ay boqortooyada Sucuudigu ay sheegtay in ay soo rideen hanaanka difaacoodu.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA