Xisbiga WADDANI Oo Daacadnimo La’aan Ku Eedeeyay Xukuumadda

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga WADDANI ayaa sheegay inuu diyaar yahay inuu ka qayb-galo doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee la qorsheeyay inay Somaliland ka qabsoonto dabayaqaada sannadkan.

Xisbiga WADDANI oo daba socda Warar laga faafiyey oo sheegayey in aanay ka qayb-gelaynin doorashada, ayaa sheegay inaan marnaba Xisbi ahaan laga maqal inay diiddan yihiin ka qayb-galka doorashada, laakiin taa beddelkeeda ay jiraan qodobbo u baahan in wax laga qabto, sida in Komiishanka la kala diro, komiishan cusubna la soo dhiso.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Cismaan Afgaab Nuur oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiska Xisbigaa ee Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Xisbiga WADDANI marnaba wax dood ah kama keenin wakhtiga doorashadu u muddaysan tahay, sanadkan dabayaaqadiisana uu diyaar  u yahay doorashada dhacaysa  inuu ka qayb-galo.”

Mr. Afgaab waxa kale oo uu sheegay “Arrinka dooddu ka taagan tahayna maaha xilliga doorashadu dhacayso, laakiin muddo 14 bilood gaadhaysa waxay doodi ka taagan tahay ama muran ka jiraan Komiishanka Maanta inuu meesha banneeyo, Komiishan cusub oo loo siman yahayna uu yimaaddo, arrinta aanu Xukuumadda isku hayno muddadaasna waa labadaa qodob, labadaa qodob oo aad in badan aragteen iyagoo fagaareyaasha ka sheegaya inay tanaasul muujiyeen, laakiin labadii qodob sidii ay ku bilaabmeen ayay ku taagan yihiin, illaa haddana waxa tanaasul ah oo ay ka keeneen iyo gorgortan wanaagsan oo lagaga heshiiyey ma jiro. Xukuumaddu waxay na leedahay Xeerkii doorashada anagaa samaysanayna, Komiishankii doorashadana Annagaa wadana, shaqaalihii komiishanka iyo hawshiina annaga ayaa diyaarsanayna, wax kasta oo doorashada ku saabsan annaga ayaa qabsanayna ee doorashada sidaa ku soo gala ayay na leeyihiin, haddaad diiddaana xoog baanu ku qabanaynaa, arrintaasina arrin meesha taalla maaha, arrin Somaliland ka suurto-galaysana maaha..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka