“Cadowgu Haka Naxo, Somaliland-na..” Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xerada Tababbarrada Ciidammada ee degmada Dararweyne ku soo gebogebeeyay Tababbar u socday dhallinyarada Barnaamijka shaqo-qaran.

War Qoraal ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay Gabogabadii Munaasibadda Qallin-jebinta Dhallinyarada shaqo-qaran oo soo gaadhay Telefiishanka HCTV ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda uu madaxweynuhu ku soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar ka mid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo hal-door kale, waxaana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka, dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada.

 Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed  Xuseen Cismaan (Mu’addinka),  oo madasha hadal ka jeediyey hadal dhinacyo badan leh, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay ku dhiirrashada iyo ka midho-dhalinta barnaamujka lagu carbinayo dhallinyarada ee shaqo qaran, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay tallaabadasaasi tahay mid hirgashay, guul wax ku ool ahna laga gaadhay, taasoo tusaale fiican u ah in horumar kasta oo gacmaha la isu qabsado laga midho dhalinkaro.

Waxa uu sidoo kale  ku dheeraaday Agaasimuhu guulaha uu barnaamujkani gaadhay iyo faa’iidooyinka uu u keenay bulshada reer Somaliland iyo da’yarta carbiska ku jirteyba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan si kalsooni ku jirto halkan uga sheegayaa in muddadii barnaamujka shaqo qaran socday si mug leh loo gaadhay himilooyinkii la higsanayey oo ay ugu mudnaayeen is-dhexgalka, isu kal-samaanta iyo is-weheshiga dhallinyarada Somaliland, waxa bislaaday ilaa heer wacyiga iyo aqoonta dhallinyarada ee dhinacyada sooyaalka taariikheed, dhaqameed, dhaqaale, bulshadeed iyo Juquraafiga dalka Somaliland, waxana abuurmay dareen waddaniyadeed iyo mid sharci, waxana dhismay garaadkii iyo caafimaadkii jidh ahaaneed ee dhallinyada.”

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Marwo  Edna Aadan Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madasha lagu soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa  si isku mid ah u bogaadiyey mashruucan, waxana  ay tilmaameen inuu barnaamujkani tusaale u yahay sida ay Somaliland iskeed u qabsan karto wax kasta oo ay u aragto inay horumarin karaan dadkeeda iyo  dawladnimadeeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo taxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqo qaran waa xarunta aynu doonaynno inuu caqliga Somaliland ka shaqeeyo oo uu hore u mariyo, shaqo qaran waxa aynnu ka rabnaa inay dadku noqdaan qaar  If iyo Aakhiroba wax taransada, shaqo qaran waxaynu doonaynaa inay dadku ka helaan waajibka uu qaranku ku leeyahay, isagana uu qaranku ka helo xuquuqda qaranku ka rabo, ujeeddada aynnu shaqo qaran u Aas-aasnayna waa tabobar maskaxeed iyo mid jidheed.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay in baraanujka shaqo qaran ay kasoo aflaxeen guutooyin da’yar oo xooggoodu dihin yahay, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay dalkooda horumariyaan,

“Waxa aan cod dheer cid walba ugu  sheegayaa inay Barnaamujka shaqo qaran  maanta u dareereen iyaga oo guutooyin xoog leh sidii ay dalkooda hore ugu marin lahaayeen ee ay mutadawacnimo ugu shaqayn lahaayeen, gobollada oo dhan, cadowgu haka naxo Somaliland-na haku faraxdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhallinyaradan ayaa haatan wixii ka dambeeya geli doonta wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, kaas oo noqon doona carbis shaqo (Internship) iyo adeeg bulsho (Social Service) is barkan, waxana ay muddada wejigan labaad ay noqon doontaa  9-10 (Sagaal ilaa toban) bilood, iyada oo in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) kamid ah dhallinyaradan oo hablo iyo wiilal isugu jirtaa ay si iskood ah u doorteen inay ku biiraan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shahaado sharaf guddoonsiiyey agaasimaha Barnaamujka shaqo qaran, taas oo ka markhaati ah sida xilkasnimada leh ee uu uga midho dhaliyey barnaamujka shaqo qaran ee loo xilsaaray oo kamid ah himilooyinka waaweyn ee madaxweynaha qaranka.”