77 Qof Oo Musharraxiin U Ah Madaxweyne-nimada Algeria

Algeria (HCTV) – Dad Tiradoodu dhan tahay 77 Qof ayaa Musharraxiin u ah Madaxweyne-nimada Dalka Algeria.

Wasiirka Arrimaha gudaha Algeria ayaa ku dhawaaqay in 77 Qof oo ay ku jiraan Madaxda 3 Xisbi sheegeen inay doonayaan inay u ordaan Doorashada Madaxweyne-nimo ee dalka Algeria, taasi oo loo muddeeyay inay qabsoonto 4-ta bisha July ee Sannadkan.

“Waraaqaha iyo Saxeexyada aanu diwaangelinay ee na soo gaadhay waa 77, 74 Musharrax way Madax-bannaan yihiin, laakiin Saddex Musharrax ayaa ka socda Xisbiyo, Xisbiyadaa oo Magacyadoodu kala yihiin, National Republican Alliance, the Future Front, the Algerian Front for Development iyo Freedom and Justice.”ayuu Wasiirka Arrimaha guduhu ku yidhi qoraal uu arrintan ku shaaciyey.

Madaxweynaha ku meel-gaadhka ah ee Algeria Abdelkader Bensalah, wuxuu 9-kii bishii Aprill saxeexay Warqadda Musharraxiinta loogu ogolaanayo inay soo gudbiyaan Waraaqaha ay ku caddaynayaan damacooda Musharraxnimo, wakhtiga kama dambaysta ah ee soo gudbinta Waraaqaha Musharraxiintuna waxay ku ekayd 25-ka bishan May.

Algeria ayaa bilihii u dambeeyay caan ku noqotay Dibed-baxyo salmi ah, kuwaasi oo Dadweynuhu ku dalbanayeen inuu xilka ka dego Madaxweynihii Muddada dheer dalkaasi xukumayey ee Abdelaziz Bouteflika, kaasi oo aakhirkii xilka ka degay, waxaana markaa ka dib Baarlamaanku uu si ku meel-gaadh ah uu talada Dalka ugu wareejiyey Abdelkader Bensalah, kaasi oo dalka gaadhsiinaya doorasho.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka