Itoobiya Oo Qabatay Mid Ka Mid Ah Saraakiishii Maamulka Cabdi-iley

Itoobiya (HCTV) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sarkaal sare oo ka mid ahaa Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) ee Dawlad-deegaanka Itoobiya.

Ninka la qabtay oo Magaciisu yahay Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan-dheere) ayaa waxa 40 Qof oo uu ku jiro hore in la soo qabto Amar ugu bixiyey Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu qabtay deegaan uu ku dhumaalaysanayey oo ah Gol-dogob.

Xasan Ismaaciil Ibraahim ayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidanka Liyuu Booliska ee kililka shanaad, waxaanu qabtay Xilal sar-sare oo kale, waxaana loo haystaa gabood-falo ka dhacay Jeelka loo yaqaano Jeel Ogaadeen ee Magaalada Jigjiga.

Ninkan oo ka mid ahaa Saraakiishii dalka ka baxsaday markii Nidaamka Cabdi iley burburay,  Balse markii uu u gudbay dhinaca Soomaaliya, wuxuu ku hakaday deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo haddana laga soo qabtay magaalada Gol-dogob.

Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee fana, xeeri-llaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in Ninkan loo haysto dacwado la ku saabsan gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka