Nasiye Stadium: Horn Cable TV Oo Rikoodhayaal Kaga Badiyey Kooxda Ilays Jet

Hargeysa, (HCTV) – Ciyaar kubadda Cagta ah oo dhexmartay kooxaha HCTV iyo Ilays Jet ayaa ku soo dhamaatay baraajo lixdankii daqiiqo ee ciyaarta, waxaana markii dambe la dhigay gool ku laag ama ridhoodhayaal ay guushu sidaasi ku raacday Kooxdii ku ciyaaraysay magaca HCTV.

Ciyaartan ayaa Ciyaaryahan Naasir Nawaa uu dhaliyey 3 Gool Oo Qurux Badan, halka Hal Gool Oo kale uu dhaliyey Gurey Ah iyo Hal Goool Oo uu dhaliyey”Esco” Ah oo dhamaantood u ciyaarayey HCTV .

Dhinaca kale Ciyaaryahanada Ilays Jet ayaa Ciyaaryahanka Ayaanle waxa uu u dhaliyey 3 Gool Oo Qurux Badan, halka Hal Gool uu dhaliyey Siciid Ismaacil Heersare iyo Hal Goool Oo Zaki Yusuuf uu dhaliyey.

Inta Ka Dib Waxa la Dhigay Goool Ku Laaago Oo Lix Laaag Ah.
Kooxda Horn CableTV Ayaa Gool Ku Laagyo 6-5 Ah Uga Soo Badisay Kooxda Ilays Jet Ciyaar Xiiso Badan Oo Ku Dhex Martay Caawa Garoonka Nasiye Football Club.

Kooxda Ilays Jet Ayaa Heshay Goolki Barbaraha Wakhti Dhamaadka Ah Waxaana Gool -Ka U Dhaliyey Zaki Yusuuf Gool Qurux Badan.

Ciyaaryahanka Naasir Aadan Maxamed (Nawa) Ayaa isna Dhaliyay Saddex Gool Oo Cajib Ah Sidan Waxa U Ku Haysta 20 Goool Oo Naadif Ah, Dhanka Goool Dhalinta Waxa Imka Oo Kaga Jira Kaalinta Kowaad. Kaalinta Labadan Waa Cabdifataax Shanta Oo Ka Tirsan Kooxda Color Zono.

Kooxda Ilays Jet Ayaa Sida Kaga Hadhay Tartan-ka Bisha Ramadaan Ee Garoonka Nasiye Football Club.

Guud Ahaan Waxaa Ciyaartu Ku Soo Dhamaatay Barbaro 6-5 Ah Waxaana Loo Kacay Dhankaasiyo Gool Ku Laagyada.

Kooxda Ilays Jet Gool Ku Laagyadeedii?

1:-Siciid Heersare ✔
2:-Ayaanle ✔
3:-Cabdirisaaq Aadan ✔
4:- Goolhaye Hiiro ✖
5:-Zaki Yusuuf ✔
6:-Sheekh Maxamuud ✖

Kooxda Horn Cable TV Gool Ku Laagyadeedii?

1:- Mustafe ✔
2:-Naasir Nawa ✖
3:- Esco ✔
4:- Goolhaye Yuuyo ✔
5:-Gabaax ✔
6:-Cabdi Muuse ✔

Kooxda Horn Cable TV Ayaa u Gudubtay Wareega Kan Xiga Ee (Sim -Final) Dhawaan Qabsoomi Doona Hadii Alle Idhaahdo .