Somaliland Oo Sii Daysay 14 Maxbuus Oo Laga Qabtay Puntland

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey 14 maxbuus oo maamul goboleedka Puntland lagaga soo qabtay dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa maanta u xaqiijiyey warbaahinta in la siidaayey maxaabiistaasi.

“Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu cafis madaxweyne ku siidaayey 14 Maxbuus loo lagu soo qabtay dagaalkii Puntland.” Ayuu yidhi Afhayeen Warsame.

18-kii bishan May oo Somaliland u dabaaldegaysay madaxbanaanideeda ayuu Madaxweyne Muuse Biixi kaga dhawaaqay inuu sii daynayo Maxaabiistii ay ku soo qabteen intii lagu gudo jiray dagaalkii Tukaraq ee ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland dhexmaray.

Waxaanu Madaxweynuhu xiligaasi uu ku booriyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni in isaguna sii daayo Maxaabiista ay Somaliland ka qabteen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA