Jarmalka Oo Joojiyay Malaayiin Dollar Oo Uu Siin Jiray Uganda Kadib Markii Ay Soo Baxeen Fadeexado Musuq

Kampala, (HCTV) – Sanadkii 2018, Qaramada Midoobay waxay ogaatay in malaayiin doolar oo lacago gargaar ah laga soo xaday Ugandha. Hadda Jarmalka ayaa qayb ahaan joojisay maal-galinteeda si ay ugu khasbaan Uganda in ay kor u qaadaan baadhitaannada.

Dawladda Jarmalka ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday in ay ka xayirtay Sh400 bilyan oo doollar ($ 106 milyan oo doolar) oo ka mid ah lacagtii loo ballanqaaday Kampala ee loogu talagalay dib-u-dajin qaxooti sanadkasta.

Go’aanka ayaa daba socday go’aan Boqortooyada Ingiriisku 2018 ay ku joojisaya lacago ay Kampala siinaysay ka dib markii baadhitaan Qaramada Midoobay ay samaysay lagu sameeyay barnaamijka qaxootiga ee Uganda isla markaana ay heleen caddeymo musuq-maasuq oo malaayiin dollar ah.

Fadeexaddan ayaa iftiimisay markii xukuumadda Ugandha ay ku wargelisay deeq-bixiyeyaasha in lacago badan oo laga soo saaray xisaabta lacagta taalay.

Baadhitaan wadajir ah oo ay sameeyeen Qaramada Midoobay, Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Midawga Yurub (OLAF) iyo Dowladda Uganda ayaa ogaaday in Tirada Qaxootiga ee Ugandha La buunbuuniyey oo la xaday dhaqaale loogu talagalay qaxootiga.

Xukuumadda Ugandha ayaa wali ku qasban in ay tuhmanayaasha u keento buug, taasoo u hogaaminaysa deeq-bixiyeyaasha si ay u waydiiyaan ballanqaadkii ay wadanku ku doonayeen in ay baadhitaan ku sameeyaan arrintaas, sidaas awgeed go’aanka ay ka qaateen Jarmalka iyo Ingiriiska si lacag ay haystaan u fasaxaan.

Safiirka Jarmalka u fadhiya Ugandha, Albrecht Conze, ayaa sheegay in Germany ay ka naxday natiijooyinka baadhitaanka.

“Waa inaan cadaynaa wixii dhacay bishii February ee sannadkii hore, 15 bilood ka hor, waxay noqotay arrin argagax ku ah Jarmalka, gaar ahaan xiligii lacago farabadan ay ka yimaadeen ilo gaar ah, , oo ka yimid dadka deeqaha bixiya. Ku-deeqidda si fiican looma kharash-gareeyo ” ayuu yidhi Mr Conze maalintii Jimcihii.

Uganda waxay si rasmi ah u martigalisay 1.3 milyan oo qaxooti ah waxayna heshay $ 350 milyan oo deeqo kala duwan ah sannadkii 2017.

Hada, Jarmalka ayaa go’aansaday in ay diido lacagta ay si toos ah u siiso dawladda Ugandha ilaa ay ka bilowdo dacwad ka dhan ah tuhunadaasi fadeexadaha musuqmaasuq ah, laakiin waxay sii deyn doonaan maalgelin hay’adaha caalamiga ah sida Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee mashaariicda gargaarka.

Dawladda Uganda waxa ay si weyn ugu tiirsan tahay lacagta gargaarka ee ka timidaada deeq bixiyeyaasha caalamiga ah si ay ula tacaalaan xaaladda dhaqaale ee ay sababeen qaxootiga dalkeeda ku sugan.

Mr Conze wuxuu codsaday in tallaabo la qaado si loo soo celiyo kalsoonida.

“Ma bixinaynno [lacag] illaa aan aragno in kuwa la aqoonsaday waqtigaa la keenayo caddaaladda, waxayna u baahan yihiin inay ka jawaabaan eedeymaha yimid,” ayuu yidhi.

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA