Nigeria: Boko Haram Oo Dishay 25 Qof Oo Askar Iyo Shacab Isugu Jira

Nigeria (HCTV) – Jabhad Islaamiyiin ah ayaa Dalka Nigeria ku dilay 25 Askari oo Ciidanka Nigeria ah iyo Tiro kale oo Dad Shacab ah.

Weerarkan oo noqonaya kii labaad ee Dad ku dhintaan ee halkaa ka dhaca Toddobaadkan gudihiisa, ayaa waxa xaqiijiyey laba ilo-wareed oo dhanka Ciidammada ah.

Kooxda Islaamiyiinta ah ayaa Rasaas ku furay Ciidammada oo gaadh ka hayey Dad ka yimid Gobolka Borno oo dagaalyahannada Boko Haram ku xoog badan tahay, waxaana halkaa ku dhintay 25 Askari iyo Dad kale oo Shacab ah, sida ay faafisay Reuters oo HCTV soo xiganayo.

“Jid-gooyo ayay u galeen, ka dibna waxay isku xeereen Gaadiidka Ciidammada iyo Dadka Shacabka ah siday, waxayna ku fureen Rasaas..” ayuu yidhi Qof Warkan laga soo xogtay, waxaanu intaa ku daray “Rasaas bay iswaydaarsadeen Ciidammada, daqiiqadu ka hor intii aanay Boko Haraam ka xoog-roonaan Ciidammada..”

Dawladda Nigeria oo weerarkan ka hadashay ayaa sheegtay in Boko Haram iyo Faraca ISIS ee Galbeedka Afrika ay lugahoodii u dambeeyay ku sii taagan yihiin.

laakiin, Dagaalkan sii socda iyo dedaallada kooxaha Xag-jirka ah ayaa lagu waayay wax badan.

Dagaalka kooxahani ka wadaan Nigeria ayaa sanadihii uu socday waxa lagu dilay Dad ka badan 30,000 Qof, waxaana ku baro-kacay Malaayiin kale.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka