Soomaaliya: Puntland Oo Xidhiidhka U Jartay Dawladda Federaalka

Hargeysa (HCTV) – Maamul-gobolleedka Puntland ayaa xidhiidhkii wada-shaqayneed u jaray Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed dheer oo ku qoran Luqadda Afka Ingiriisiga oo ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa lagu faahfaahiyey waxa keenay in Puntland xidhiidhka u jarto Dawladda dhexe.

Puntland waxay ku sheegtay Warka qoraalka ah ee ay soo saartay in Qodobbada dhaliyay inuu shirka  Garoowe ku dhammaado natiijo la’aan ay tahay in Xukuumadda Federaalku diidday joojinta sharciyo aan laga talo-gelin dowlad-gobolleedyada oo ay iyado diyaarisay, khalifaadka Galmudug iyo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020.

waxa kale oo Puntland ku doodday in habka loo diyaariyey Xeerka Shidaalka iyo Xeerar kale oo muhiim ahi aanay sax ahayn, haddana Xeerarkaa qaarkood uu Baarlamaanka Dawladda Federaalku ansixiyey.

War-saxaafadeedka Puntland ku shaacisay inay xidhiidhka u jartay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qodobbada ugu waaweyn ee ay Puntland u cuskatay waxa ka mid ah:-

  1. In ayna aqoonsan doonin sharciyadda ay soo diyaarisay xukuumadda federaalka ee hoos u dhigaya in dastuurka federaalka loo dhameystiro geeddi u socodka ku dhisan daah- furnaan, la tashiga maamullada iyo hannaanka loo dhan yahay.
  2. In ay joojisay xidhiidhkii wadashaqeyneyd ee dowladda federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaadhayo arrimaha; dhameystirka dastuurka, doorashooyinka federaalka iyo amniga qaranka.
  3. In ay soo saari doonto siyaasad cad oo ku waajahan dowlad-gobolleedyada dalka iyo beesha caalamka si loo maareeyo xaqiiqooyinka cusub ee siyaasadeed.
  4. In ay ku baaqeyso in ay sii socdaan wada-hadallada tooska ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inta heshiis mideysan laga gaadhayo.

Dhanka kale, Puntland waxay Maamul-gobolleedyada kale ugu baaqday inay u midoobaan danahooda, halka ay beesha Caalamkana ugu baaqday inay isha ku hayso siyaasadda iyo nidaamka shaqo ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka