Muwaadin Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Loo Doortay Baarlamaanka Yurub

Yorkshire, (HCTV) – Magid oo hooyadii ay ka tagtay Somaliland xili isaga iyo walaaladii Ay caruur ahaayeen oo degtay dalka Britain, ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee  Soomaali ah ee loo doortay inuu ka mid noqdo Baarlamaanka Yurub.

Magid waxa uu ka mid ahaa lix xubnood oo laga soo doortay Yorkshire iyo Humber.

Waxaanu xisbiga Green Party uu ku guulaystay 13 boqolkiiba codadka 166,980, balse aqlabiyadu waxa ay doorteen Brexit Party oo ah 470,351, kuwaas oo noqonaya boqolkiiba 36.

Ninkan Soomaaliga ah ee magaciisa la yidhaa Magid, ayaa kursiga uu ku guulaystay kaga soo baxay xisbiga Green Party ee magaalooyinka Yorkshire iyo Humber.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA