Japan: Nin Weerar Mindi Ku Dilay Laba Qof Oo Ay Ka Mid Tahay Gabadh Ciyaala Iskuul Ah

Japan: Nin Weerar Mindi Ku Dilay Laba Qof Oo Ay Ka Mid Tahay Gabadh Ciyaala Iskuul Ah

Jabhad ku hawlan inay bedesho Khariidada Geeska Afrika
Haweenka Sucuudiga Oo Loo Fasaxay Inay Ka Mid Noqdaan Ciidammada
Markab Sida Sibidhkii Ugu Tirada Badna Oo Ku Soo Xidhay Dekada Berbera
Diyaarado Duqeeyay Meel u Dhaw Hargeysa.
Furitaanka Sanad Dugsiyeedka Dugsiyada SUNSHINE SCHOOLS.

Kawasaki, (HCTV) – Nin ku hubaysnaa Mindi ayaa weerar ku qaaday dalka Japan, waxaana kamid ah dadka weerarkaasi Mindida ah uu ku dilay gabadh ayar oo 12 jir ahayd, ka hor intii aanu ninkaasi is-dilin, sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya weerarkaaasi ka dhacay dalka Japan.

Sidoo kale weerarkan ka dhacay meel u dhaw caasimada dalka Japan ayaa dhaawacyo khatar ah uu ugu geystay ninkaasi dad kale oo farabadan, oo ay ku jiraan dhawr caruur ahi.

Inta badan dadka dhibanaha u ah weerarkan Mindida ee lagu qaaday ayaa ah hablo ciyaala iskuul ah kuwaas oo meel basku istaagaan ku sugayey bas meel u dhaw magaalada Kawasaki oo waxyar uun koonfur kaga beegan caasimada dalkaasi ee Tokyo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA

COMMENTS

%d bloggers like this: