Japan: Nin Weerar Mindi Ku Dilay Laba Qof Oo Ay Ka Mid Tahay Gabadh Ciyaala Iskuul Ah

Kawasaki, (HCTV) – Nin ku hubaysnaa Mindi ayaa weerar ku qaaday dalka Japan, waxaana kamid ah dadka weerarkaasi Mindida ah uu ku dilay gabadh ayar oo 12 jir ahayd, ka hor intii aanu ninkaasi is-dilin, sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya weerarkaaasi ka dhacay dalka Japan.

Sidoo kale weerarkan ka dhacay meel u dhaw caasimada dalka Japan ayaa dhaawacyo khatar ah uu ugu geystay ninkaasi dad kale oo farabadan, oo ay ku jiraan dhawr caruur ahi.

Inta badan dadka dhibanaha u ah weerarkan Mindida ee lagu qaaday ayaa ah hablo ciyaala iskuul ah kuwaas oo meel basku istaagaan ku sugayey bas meel u dhaw magaalada Kawasaki oo waxyar uun koonfur kaga beegan caasimada dalkaasi ee Tokyo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA