Updates: Nin Mindiyo Ku Hubaysnaa Oo Dilay 2 Qof, 16 Kalena Dhawacay

Tokyo (HCTV) – Nin Mindi ku hubaysan ayaa weerarray Koox Carruur ah oo Baskii Iskuulka sugayey.

Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Kawasaki oo ku dhow Magaalada Tokyo ee dalka Japan, ayaa waxa ku Geeriyooday 2 Qof, kuwaasi oo kala ah Gabadh 11 sano jir ah iyo Nin 39 Jir ah.

Weerarkan oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 18 Qof oo kale ayaa Ninkii Geystay uu markii dambe Cisbitaal ugu Geeriyooday, dhaawac uu iska soo gaadhsiiyey Qoorta oo uu Mindida iska geliyey.

Dambiyada noocaani ahi waa ku naadir inay Dalka Japan ka dhacaan, laakiin waxaan la garanayn waxa xilligan dhiiri-geliyey.

Ninka Weerarkan geystay ayaa labada Gacmoodba Mindiyo ku sitay, Dadkuu beegsadayna 16 ka mid ahi waa Ciyaala iskuul.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka